Home Literature General Literature U hiisha afkeenna
U hiisha afkeenna PDF Print E-mail
Written by Cabdiraxmaan Faarax 'Barwaaqo'   
Sunday, 14 March 2010 15:10

 

 

‘U hiisha afkeenna’ ujeeddadeedu maaha af Carabiga naca ama Diinta ka fogaada, mana aha afafka reer Yurub jeclaada. Hayeeshee, waa qayladhaan iyo baraarujin u socda inta af Soomaaliga ku hadasha, iyo inta danaysa, yar iyo weynba.

 

Sida aanay dad badani ka warqabin, waxa jirijirey afaf badan oo adduunka lagaga hadlijirey oo dabargo’ay cid hadda ku hadashaana aanay jirin. Tusaale ahaan, afkii ay ku hadlijireen dadka loo yiqiin Sumeeriyiinta (Sumerians) oo ku noolaanjirey dhulkii la odhan jirey Mesopotamia iyo afkii faraaciintu ku hadlijirteyba way dhinteen. In kasta oo afafkaasu qornaayeen farahoodiina la hayo haddana cid hadda ku hadashaa ma jirto. Waxana faraha afafkaasi loo kala yiqiin Fartii Kiyunifoom(Cuneiform Script) iyo fartii heyruqulaafiya (Hieroglyph Script).

 

 

Warbixin lagu soo saaray degel uu leeyahay dugsiga la yidhaa World Resources Institute1 baa lagu sheegay in labadii toddobaadba uu hal af dhinto. Haddii dhimashada afafku xawaarahaasi ku socdaan waxa la filayaa, bay tidhi warbixintaasi, in gu’gu kolka uu yahay 2100ka ay dhimandoonaan kala badh afafka adduunka lagaga hadlo oo hadda tiradooda lagu sheego 7000 oo af.

 

Waxa, haddaba, laga yaabaa inay dad badani isweydiiyaan sida lagu ogaaday arrintaasi. Runtii, sida lagu ogaaday ma hawl badna, waayo waxa jira astaamo beeg ah oo lagu garto kolka uu af halis ku jiro. Haddii aan haddaba beeggaasi ku beegno af Soomaaliga waxaad dareemaysaa inuu afkeennu cabsi weyn daaqayo. Waxana hubaal ah haddii aan wax laga qaban, inta ay goorigoortahay, inay geeridiisu xigeyso. Waxa iyana xusid mudan, kolka uu af dhinto, sida ay aqoonyahannadu sheegaan, inay la dhintaan dhaqanka iyo mahadhada ama sooyaalka dadka afka dhintay lihi. Sidaasi awgeed, waxan marka hore tilmaamo ka bixin qaar ka mid ah astaamaha beegga ah ee lagu garto kolka uu af halis ku jiro iyo sida astaamahaasi looga helayo af Soomaaliga. Intaa kadib waxan wax yar ka odhan sida afka loo badbaadin karo iyo tallaabooyinka ugu habboon ee ay tahay in laqaado. Waxanan tusaale u bixindoonaa afaf dabargo’ ku dhuwaaday oo la badbaadiyey iyo qaar laysku deyey in la badbaadiyo oo lagu guuldarraystay. Ugu dambaynta waxan qoraalka ku soo gabagabayn maanso ka digeysa arrintan qudheeda.

 

Aan ku hormaree, afka lagu arko qaar ka mid ah astaamaha hoos ku xusan, iyo qaar kale oo badan, waxa ay af yaqaannadu ku tilmaamaan inuu halis ku jiro. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin:

 

  1. Dhimashada ereyada loo yaqaan eray saleedyada
  2. Fatahaadda ereyada shisheeye oo layska moosiwaayo
  3. Dadka oo afkooda cannayn waaya, barashada afafka shisheeyana ka doorbida,
  4. Maammul adeegsada, ilaaliya ama horuumariya oo la waayo
  5. Barashada afka oo yaraata, ama hoos u dhacda, iyada oo loo arko inaan wax lagu dheefahayn.
  6. Dadka oo abaar, dagaal, dhulgariir, iwm dartood dhul shisheeye oo af kale lagaga hadlo u doola, iwm. Taasi oo keenta inay carruurtu afkooda hooyo baranweydo.

 

Sida aan haddaba la dhaadin, astaamahaasi badankooda waa laga wada helayaa af Soomaaliga taasi oo caddaynaysa inuu afkeennu halis ku jiro. Si arrintaasi loo garwaaqsado waxan isku deyi inaan qodob kasta goonnidiisa u eego una caddeeyo sida ay wax uga jiraan. Waxanan ku bilaabi:

A. Dhimashada ereyada loo yaqaan maguuraanka (ama ereysaleedyada)

 

Sida ay afyaqaannadu yidhaahdaan, waxa ereyada afafka guud ahaan loo kala saaraa 2 :

 

  1. Erey saleedyo (basic vocabulary) ama ereyada ma guuraanka loo yaqaan iyo
  2. Erey dhaqameedyo (Cultural words).

 

  1. Ereyada ma guuraanka loo yaqaan waa ereyada aanu afna af ka ergisan ee uu af kastaa ka kale uga duwanyahay, haddii aanay afafku ahayn afaf walaalo ah (Sister languages).

Sida shaxanka hoos ku qeexan ka muuqata waxaad ka dareemeysaa inaanu afna af ereyadaa ka soo ergisan ee uu mid waliba midka kale ka geddisan yahay. Af kasta oo adduunka jiraana uu yahay sida kuwan oo kale.

 

 

Soomaali

Oroomo

English

Carabi

Ruush

Talyaani

Aniga Ani I ﺎﻨٲ Я Io
Il Ija Eye ﻦﯿﻋ Глаз Occhio
Kow Toko One ﺪﺤﺍﻮ Один Uno
Laba Lama Two ﻦﻴﻧﺜﺍ Дава Due
Af Afa Mouth ﻢﻓ Pot occa
Madax Mata Head ﺱﺃﺮ Γолова Testa
Madaw Guraja lack ﺪﻮﺴﺃ Чёрный ero
Dayax Ji’a Moo ﺭﻣﻗ Луна Luna
Habee Alka ight ﻞﻳﻠ Ηочь otte
Dhul Lafa Ground ﺽﺮﺍ Родина Terra
Cir Dumessa Sky ﺀﺎﻤﺴ Ηеба Cielo
Dhagax Dhaga tone ﺮﺟﺤ Κамень ietra
Bad ari ea ﺭﺤﺒ Море Mare
Kalluu Kurtumi Fish ﻪﻜﻤﺴ Рыба esce
Weji (Fool) Fula Face ﻪﺠﻭ Лицо Faccia
Wadne Oni Heart ﺐﻠﻘ Сердце Cuore
Geed Muka Tree ﻩﺮﺠﺸ Дерево Albero
Ni amma Ma ﻞﺠﺮ Мужчйна Uomo
Buur Tulu Mountai ﻞﺑﺠ Гора Montagna
Magac Meqaa ame ﻢﺴﺇ Ймяome Nome

 

 

 

Ereyada maguuraanka loo yaqaan waa ilaa 100 erey, kuwaasi oo afka Ingiriiska lagu yidhaa ‘Swadesh list’3. Afafka wadaaga ereyada maguuraanka ah waxa loo yaqaan, sidaan kor ku xusay, inay yihiin walaalo  oo ay af ka soo wadajeedaan, hayeeshee ay xilli fog kala guureen.  Bal adba isu foodi labada af ee Soomaaliga iyo Oroomada.

 

Luminta uu af lumiyo qaar ka mid ah ereyada maguuraanku waxay hormood ama astaan saadaaleed u tahay, sida ay yidhaahdaan af yaqaannadu, dhimashada afkaasi laftiisa. Sida ku cad shaxanka, dad badan oo Soomaaliyeedna aanay uga warqabin ama u dhaadin, af Soomaaligu waa afka qudha ee uu erey ka mid ah ereyada maguuraanka ihi ka baxay. Ereyga 'Weji' waa erey af carabiya. Ereygii dhiggiisa ahaa haddaan dib loo bakhti afuufin sidaa ayuu ku tegi. Ereygu waa 'Fool '. Dadka badidiisu si aan toos ahayn oo uu ereygu ereyo kale ku lammaanyahay ayey u adeegsadaan. Tusaale ahaan: foolxumo; fooldhaq iyo fooltub. Dhanka maahmaahaha waxaan ereygaa ugu tegeynaa midda tidhaa: Fari fool ma dhaqdo4.

B. Fatahaadda ereyada shisheeye iyo sida ay wax u saameeyaan iyo sida aan loo dhaadin:

  1. Erey dhaqameedyadu waa kuwa la kala ergisto qaybta weyna ka qaata hodannimada afka. Waxaanay ku xidhanyihiin il-baxnimada dadka afkaas ku hadla. Sida ay dadku ama bulshooyinku xidhiidh u yeeshaan ama u dersaanna way isu saameeyaan. Tusaale ahaan, bal si aad ah ugu dhugmo yeesha shaxankan hoos ku qoran.
— --- (Warqad) Aqal a
Soomaali Carabi Ingiriisi Talyaani Ruush Oromo
--- (Askari) ﻱﺮﮑﺳﻋ Soldier oldato Солдат
(Askara) Laf ﻢﻆﻋ one O o Кость Laffe
--- (Buug) ﺮﺗﻓ ﺪ Book Libro Книга --- (Kitaba)
ﮫﻘﺭﻮ Paper Carta бумага --- (Warakata)
ﺖﻳﺑ House Casa Дом Ma
(Shaadh) ﺺﻴﻣﻘ Shirt Camicia Рубашка --- ( Kamisi)
— (Kimistari) ﺀﺎﯾﻣﻜ Chemisry ---- ----- ---- Waddo ﻉﺮﺎﺸ Road Via Улица Karra
---(Kumbuyuutar) ﺮﺗﻮﻳﺒﻣﻜ Computer Elaboratore ----- ----- Okhole ---- ----- ----- ----- ----- Hangool ---- ------ ------ ------ ----- Kebed ---- ----- ----- ----- -----

 

 

Shaxankan waxan ka soo dheegtey buugga la yidhaa Hal-bixinta

ereyada kumbuyuutarka, 2007

Waxa halkan ku cad sida ay ilbaxnimada af leeyahay u saamayso af kale5. Waxana cad sida ilbaxnimada Carabtu u saamaysay Soomaalida iyo Oroomada, ama sida uu af Ingiriisigu keenna u saameeyey, iyo sida ay saddexda af ee reer Yurub  uga soo wada jeedaan ilbaxnimo mid ah, ama aan il-baxnimadeenna cidina u lahayn. Ha yeeshee, kolka laynaga tegey waa markii ilbaxnimada reer galbeedka aan hoos gallay taasi oo innagu qasabtay inaan magan u noqonno oon ereyadooda toos u qaadanno.

 

Kolka ay ereyo shisheeye af ku soo fatahaan, dadka afka lagu soo fatahay lihina iska moosikariwaayaan waxa dhaca laba arrimood:

 

  1. Inay ereyada cusubi meesha ka saaraan ereyadii afka la jiidhay lahaa. Tusaale ahaan, ereyada qado, subax, maqrib, isticmaal, luqad, iwm. waxay meesha ka saareen kuwii Soomaaliga ahaa ee u dhigmayey. Kuwaas oo kala ah: hadhimo, aroor, fiid ama galab, adeegso, af, iwm.

 

  1. Waxa kale oo dhacda in haddii ay jiraan ereyo isku mid ah oo labada af ku kala leh laba ujeeddo oo kala duwan ay dadka qaar moodaan inuu ereygu yahay mid qolo keliyihi leedahay oo ujeeddadii afka la jiidhay meesha laga saaro. Tusaale ahaan magacyada hoos ku xusan kolkaad ka eegto buugga la yidhaa Literature of Somali Onomastics and proverbs 6 wuxu u qeexayaa sidan soo socota:

Cadar: Perfume, scent, aromati; shadow.

Dheeg: A highly elevated ship deck.

Gaas: Paraffin.

 

Halkaasi waxad ka dareemaysaa in ujeeddooyinkii Soomaaliga ahaa ee ay ereyadaasu lahaayeen ay meesha ka baxeen. Facaca soo socdana waxa la barayaa yahay waxaan jirin. Si midhkaa loo toosiyo, ujeeddooyinka magcyadaasu waa sidan hoos ku qeexan7:

 

Cadar: Ujeeddada magaca ee uu buuggu inoo qeexay waa tii shisheeyaha ahayd ee tii Soomaaliga ahayd kama uu hadal. Kolka uu magaca 'Cadar’ ujeeddadan leeyahay waa soogaleyti. Waana af Carabi ee Soomaali maaha. Hablahana ujeeddadaas looguma bixinjirin.

 

Ereygaasi kolka uu Soomaaliga yahay waxa weeye: maalintii kolka cirku daboolan yahay  een  qorraxi jirin, dhulkuna hoosiis yahay, gaar ahaan xilliyada xagaagii. Ereyga ‘shadow’ baa ugu ujeeddo dhow isna waa ‘hadh ama hoos’. Hadh iyo hoosiisna isku mid maaha. Haddaba  inanta dhalata xilligaas oo kale ayaa loo bixiyaa magacan. Dulucduna waxay sheegeysaa  iney inanta  magacaa loo  bixiyaa  tahay tu  dhalatay xilli dhulku hoosiis yahay. Waxa kale oo magacaa loo baxshaa inanta kolkay dhalato la dareemo in midabkeeda  hoosiis ku jiro, noqonaysana inan madow. Ereygaa inay ujeeddadiisu sidaa aan soo tibaaxay tahay  waxa u marag  furaya  tuducan hoos  ku  qoran een  ka soo qaatay maansada la yidhaa Saadaal ee uu tiriyey, Eebbe haw naxariistee, abwaankii weynaa  ee Axmed Ismaaciil Diiriye  "Qaasin". Waxaanu yidhi:

 

CEERYAAMO SUBAXEED NIN MOOGI

CADARKA ROOB MOODYE

 

Dheeg: Ujeeddada buugga lagu qeexay maaha tii Soomaaliga ahayd. Hayeeshee, kolka uu magacu Soomaali yahay waxa loo baxshaa wiilka aabbihii aad ugu ekaada een aabbihii laga garan. Dulucduna waa tiiyoo lagu sheegayo inuu wiilku yahay ku aabbihii laga soo jeexay ama  laga soo dheegay oo isaga  oo  kale  ah.  Dhanka ereybixinta afka miyeynaan kaga maarmayn ereyga ‘Copy’ oo aad loo adeegsado?

 

 

Gaas: Marka uu magacu ujeeddadan leeyahay waa soogalayti ee Soomaali maaha. Darajooyinkii ciidammadii Soomaaliyeed waxa ka mid ahaa ‘Sarreeye gaas Maamed Siyaad Barre’. Halkaa waxa kaaga cad inaanay ujeeddadu ‘Paraffin’ ahayn.

 

Gaas waa magac facweyn oo Soomaaliya oo lala bixijirey intaan gaastuba carro-edeg soo gaadhin. Maraggana meel dheer ka doonimaayee saw kii Ismaaciil Mire, Eebbe haw naxariistee, lahaa:

 

Adigay goblay tidhi kolkaad

gaaska wadateene.  (Ismaaciil Mire)

Bal kanna ila eega sidaan markii hore anigu u qeexay iyo sida uu isu beddelay:

 

Qoraalka la yidhaa ujeeddooyinka magacyada magaalooyinka Soomaaliyeed, magaca magaalada Garbahaarrey waxan u qeexay sidan 7 :

 

Waa magaalamadaxda gobolka Gedo, kaas oo laga dhambalay gobolkii loo yiqiin Jubbada sare, ee koonfurta Soomaaliya. Magacu waa mid lamman. Waxana loo kala qaari karaa ‘Garbo’ iyo ‘haarre’. Garbadu waa gebiga ama jarka. Haarrana waa jaad ka mid ah, baa la yidhi, jaadadka masaska ku nool Soomaaliya. Maskaasi oo sida la weriyey ah mid booda. Dulucda magacu waa garbadii haarraha lahayd. Si kale haddaan u nidhaana waa gebigii maska haarrahu joogey. Waxa kale oo naloo sheegey in ereyga ‘haarre’ yahay erey af-oroomo ah. Ujeeddadiisuna tahay dameer. Dulucda magacuna tahay meeshii ama gebigii ay dameeraha badani joogeen. Ereygaasi kolkii aannu ka baadhnay abwaan af-Oroomo iyo af-ingiriisiya oo yaalla qolka kaydka buugaagta ee Jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa waxaannu soo hubinay iney aragtida dambe dhab tahay.

 

Intaasi oo qudha kagamaan hadhin ee qofkii aan is idhaa waxbuu kugu kordhinayaaba waan warsadaa si aan u hubiyo wixii tallan igaga jiro. Sidaasi awgeed waxan la kulmay nin Soomaaliyeed oo la yidhaa Siciid Cabdi Axmed oo ii sheegey inuu yaqaan ereyga ‘Haarrey’. Waxaanu iigu sheegay inaanu magacu ‘Haarre’ ahayne uu yahay ‘Haarrey’. Halka uu gefku ka yimidna waa halkaasi. Waxa kale oo uu intaa raaciyey inay haarreydu tahay jaad ka mid ah jaadadka xamaaratada loo yaqaan sida, maska, abeesada, iwm. Sida aan qaybta hore ku sheegeyna waa mas booda. Siduu Siciid ii sheegay wuu arkay maska laftiisa. Sidaasi awgeed ayaa loo buriyey aragtidii labaad ee ku ladhnayd magaca Garbahaarrey oo uu maanta laga bilaabo u yahay magac sooca oo Soomaaliyeed. Ujeeddadiisuna u tahay garbadii haarreyda lahayd. Tan qudheedu waxay caddaynaysaa sida ay afafkii shisheeye keenna u saameeyeen een loona dhaadsanayn.

 

C. Waxa dhaca kolka dadka afka lihi cannayn waayo oo af kale laga doorbido:

Siyaabaha kale ee ay afafku u dhintaan waxa ka mid ah dadka afka leh oo afkooda cannayn waaya, sida ay hadda Soomaalidu ku jirtana afkooda ka faana, kana jeclaysta ku hadalka iyo wax ku qorista afafka shisheeye.  

 

Kolka ay bulsho, sidaasi oo kale, afkeeda u cannayn weydo, xubnaha bulshadeedu waxay bilaabaan inay yasaan iskuna caayaan adeegsiga ama aqoonta afkooda. Taasi waa ta jideysa waddadana u furta fatahaadda iyo adeegsiga ereyada shisheeye. Inay taasi jirto waxa marag innoogu filan cayda laysku caayo ee laysku yidhaa, “Hebel waa geel ama waa reer miyi, iwm.” Si aan laguu odhan waa reer miyi ama waa geel waa inaad ka carartaa wixii tilmaantaasi kuu horseedaya oo dhan.

 

Markii af carabigu inna jiidhay, si caydaa looga badbaado, waxa la bilaabay in laga tago magacyadii aan la bixijirney ee ku dhisnaa diinta iyo dhaqanka, waxana lala baxay kuwa af carabiya. Mar aan ka hadlayey hababka aynu magacyada ula baxijirney waxan idhi 8:

 

“….. magac bixintu may ahayn wax hawlyar umana fududayn sida ay hadda tahay. Sidaa darteed, marka magac la bixinayo waxa laysla meel-dhigijirey habka ilmaha loogu magac bixinayo iyada oo lagu salaynayo labada hab ee udub-dhexaadka u ahaa  magacbixinta, kuwaas oo kala  ahaa:  

 

I.  Habka kitaab-furka  iyo  

II.  Habka magac Soomaali bixinta. 

 

I. Habka hore waa hab ku salaysan diinta islaamka. Ujeeddaduna waxay tahay had-dii habkaa la qaato in ilmaha loo bixiyo magac ka mid ah magacyada Muslinka.”

 

Haddaba markii aan marinka toosan haysannay maxaan la bixijirney?

 

Xilligaasi wiilasha waxa loo bixinjirey:

  1. Magacyadii Rususha iyo Aniyada sida Maxamed, Axmed, Mustafe, Ibraahim, Aadam, Nuux, Saleebaan, Ciise, Yuusuf, Yoonis, iwm.
  2. Magacyadii asxaabtii Nebiga (NNKHA) sida: Abu Bakar, Cusmaan, Cali, Bilaal, iwm.
  3. Magacyada carruurtii ama tafiirtii Nebiyada sida Haabiil, Xasan, Xuseen iyo Qaabiil.
  4. Magacyada Malaa’iigta sida: Jibriil iyo Makaahiil.
  5. Maan illoobin magacyada tobankii uu Eebbe Jannada ugu ballanqaaday.(ﮫﻨﺠﻠﺎﺒ ﻥﯿﺭﺸﺒﻤﻟا  ﺓﺭﺸﻌﻟا)

 

Hablahana waxa loo bixinjirey:

 

  1. Magacyada xaasaskii Nebiga (NNKHA) sida : Khadiija, Caasha, iwm.
  2. Magacayada hooyooyinkii Nebiga (NNKHA) sida: Aamina, Xaliimo.
  3. Magaca ina Nebiga (NNKHA) sida: Faadumo.

 

Kolkii aan, haddaba, habkaa hareer marray, ama aan soohdintaa ka gudubnay, maxaa sookordhay? Waxa dhacay inaan wax walba soo xantoobsanno. Tusaale ahaan, magacyada Fu’aad, Fahad, Siciid, Sahra, Shamis, Shamso, Qamar, Yasmiin, Sacdiyo, Siciido, iwm way ka baxsan yihiin habkii aan magacyada ula bixijirney. Sidaasi darteed waa magacyo af Carabi ka soo jeeda oo aynaan u baahnayn. Miyaa la hayaa Carab la baxday Ubax, Ayaan, Ugbaad, Maydhan, Qumman, Ugaaso, Guuleed, Geeddi, Warsame, Keenadiid, Dhaqane, Gaaxnuug, Mire, Obsi, Obsiiye, iwm.?

 

Mar aan dhibaatada ay magacyada shisheeye een laga fiirsani keeneen ka hadlayeyna waxan idhi 9 :

 

Ereyga ‘Bilaad’ afka Ruushka iyo afka Carabiga wuxu ku kala leeyahay laba ujeeddo oo aad u kala fog. Afka Ruushka, haweeneyda jidhkeeda ka ganacsata ayaa ‘bilaad’  la yidhaa. Af Carabigana waa dal ‘ﺪﻼﺒ’. Ereyga ‘Yaa’ af Carabiga waa erey yeedhmo sida ‘Yaa walad - ﺪﻠﻭ ﺎﻳ ’. Afka Ruushka waa ‘aniga - Я’.

 

Haddii ay haweeney Ruushihi tidhaa ‘Yaa Bilaad - waxay ujeeddaa waxan ahay dhillo! Tu Carbeedse haddii ay ku heesto ‘Yaa bilaadii - ﻱﺪﻼﺒ ﺎﻳ’, waxay ujeeddaa dalkaygiiyow. Siday doontaba ha ahaatee,  waxa hubaal ah inantii Soomaailyeed ee loo baxshey ‘Bilaad’ inay dhibaato xoogle kala kulmi doonto kolka ay la kulanto qof Caraba ama Ruusha. Haddiise Shuun  la odhan lahaa cidina lama yaabteen. Innaga dhexdeenna ayuun buu xifaaluhu ku koobnaan lahaa. Qof wal oo Soomaaliyeedna maanta wuu yaqaan in inanta Shuun loo baxshaa tahay tu lagu tilmaamayo boqorad. In ereyga ‘shuun’ sidaas yahayna waxa kuu caddaynaya tuducan odhanaya:

 

Shuunkii hartoo wada fadhiya

Shaaxin gudaheeda     ( M.C.Xasan)

 

Ereyada la soo ergisto kolka halka ay ku habboon yihiin la gelin waayo gefbaa ka dhasha. Tusaale ahaan, dad badan oo af Soomaali wax ku qora baa adeegsada hawraarta tidhaa ‘luqadda afka Soomaaliga’. Weli cidi ma is weydiisey in hawraartaasi qumman tahay iyo in kale. Ereyga ‘luqad’ waa Carabi. Hawraartaasi haddii la Soomaaliyeeyo waxay noqonaysaa ‘Afka afka Soomaaliga’. Bal ka warran Ummul Quraan. Wax Ummul Quraan la yidhaa ma jirto. Waxa loo jeedaa baan u malayn Ummul Quraa oo ah magaca labaad ee Maka loo yaqaan waayo Quraanku hooyo ma laha.

 

 

Hadal iyo dhammaantii, haddii ay qolo waliba ilaashanayso afkeeda, heeganna u tahay si ay isaga moosto ereyada kaga soo burqanaya ilbaxnimada uu af Ingiriisku hormoodka ka yahay, miyaanay ahayn wax innala gudboon inaan innana iska moosno ereyada labada ilbaxnimaba, ta Carabta iyo ta Ingiriiska, innagaga soo butaacaya.

 

D. Kolka maammul afka adeegsada, ilaaliya ama horuumariya la waayo:

Af haddii uu waayo maammul adeegsada, ilaaliya oo weliba xoojiya horumarkiisa halis ayuu ku dambeeyaa sida hadda ka muuqata af Soomaaliga. Markii ay Itoobiya ku duushay Soomaaliya, dad badan baa u arkayey inuu nacab qabsaday dalkii. Qayladii yeedhayna waa la ogaa. Waana lagu guuleystey in ciidammadii Itoobiya la saaro. Hayeeshee, ilaa hadda lama oga afafka shisheeye ee afkeennii qabsaday. Dagaal la abaabulo ha joogtee waxa isweydiin leh ma la dhaadsanyahay in afkeennii la qabsaday oo dhibaato lagu hayo iyo in kale?

Intii dagaallada sokeeye dhaceen, talo faraha ayey ka baxday.  Maammullada meelaha qaar ka jiraa afka dan kama laha. Tusaale ahaan, S/Laand waxaabad mooddaa in dadku tartan ugu jiraan la bixidda magacyada shisheeye. Taasi oo keentay in10:

I. dugsiyada Quraanka lagu bartaa ay yeeshaan magacyo Carbeed sida hoos ku xusan

1. Daarul Quraan  2. Daarul Nasri  3. Ummul Quraan 4. Shaafaci  5. Cabullaahi bini Mascuud, iwm.

II. Waxa jira dugsiyo Quraanka iyo maaddooyin kalaba lagu dhigo oo sida kuwaa hore kala siman magacyada shisheeye oo isugu jira Carabi iyo Ingiriisi. Waxana ka mid ah:

1. School of tomorrow 2. Sun Shine 3. Cambridge  4. Salmaan Al farus 5. Freedom
6. Cumar Bin Khaddaab, iwm.

III. Waxa dalkii  laga furay goobo badan oo dumarka lagu qurxiyo habeennada aroosyada iyo meherrada oo wata magacyo shisheeye sida:

1.  London Beauty Salon 2.  Dubai Beauty Salon 3.  Paris Beauty salon 4.  New york Beauty salon 5.  New Delhi Beauty salon, iwm

IV. Meelaha laga helo adeegyada internet-ka qudhoodu magacyo  shisheeye ayey wada xambaarsan yihiin. Tusaale ahaan:

1.  African On line.  2.  SomSat internet.  3.  Sky Line internet 4.  Flash Tel internet
5.  Cyber net,  iwm.

V. Rugaha wax laga cuno qudhoodu waa la mid. Waxaanay badi wataan magacyo shisheeye. Tusaale ahaan:

1.Ambassador Hotel 2.  Ming Sing hotel (hadda wuu dunsan yahay sidii kal hore daadadku u qaadeen wali lama dhisin) 3.  Sambisi hotel 4.  Star Hotel 5.  Oriental Hotel  6.  Imperial Hotel, iwm.

VI. Rugaha lacagta laga dirsado hadalkooda daa. Waxaad maqlaysaa ama arkaysaa magacyadan hoos ku qoran oo iridahooda sudhan:

  1. Al-Amal  2. Al Barakat   3. Tawakal  4.Mustaqbal, iwm.

Haddii ay dawladdu afka danayn lahayd, waxa hubaal ah inaan magacyadaasi lala baxeen.

Sida Soomaalilaand ayey dugsiyada iyo rugaha ganacsiguba u leeyihiin magacyo shisheeye, ayaa hubaal ah in Soomaaliyana ay u leeyihiin.

Waxa ayaga intaa u dheer magacyada ururrada diineed ee ka jira oo dhammaantood leh magcyo Carbeed. Tusaale ahaan, ururka lagu magacaabo Al-shabaab ujeeddadiisu kolka la Soomaaliyeeyo waa ‘Dhallin-yarada’. Sidaasi awgeed magacu aragti diineed ma xambaarsana. Wax looga jeedana ma sheegikaro.

Xubnaha ururradaasi dagaal aan yaraysi lahayn bay ku hayaan afka iyo dhaqanka. Waxaanay hormood u yihiin dagaal dhalanrog ah oo laynugu soo qaaday. Magacyada hadda ay ku faanaan waxa ka mid ah: Abu Subeyr. Haweeneyduna waa: Ummu Subeyr. Haddii aan Soomaaliyeeyo magaca laboodku waa: Subeer Aabbihii. Ka dhaddigoodkuna waa: Subeyr hooyadii. Markaad istidhaa u yeedh waxad odhanaysaa : Subeer aabbihiiyow iyo Subeyr hooyadiiyeey!

Habkaasi, runtii, waa mid ka duwan kii Soomaalida. Innaga wuxu ahaa in aabbaha magaciisa la hormariyo. Hooyadana aan carruurta loogu magacdarijirin. Halkaa waxad ka dareemaysaa inuu innagu socdo dagaal ka dhan ah afkeenna iyo dhaqankeennaba lana rabo in layna carabiyeeyo iyada oo laynoo adeegsanayo Soomaali.

E. Waxa dhaca kolka barashada afku yaraato ama hoos u dhacdo iyada oo loo arko inaan wax lagu dheefahayn:

Kolkay barashada afku hoos u dhacdo waxa ayana hoos u dhaca tayada iyo daryeellida afka. Awooddii iyo xilligii la gelin lahaa ilaalintiisa waxa la geliyaa afafka shisheeye ee la ogyahay in shaqo lagu helayo. Taasi qudheedu waxay ka mid tahay astaamaha halista geliya afafka. Ninkasta oo af Ingiriisi wax ku qoraa wuxu ku dadaalaa inaanu wax gef ah samayn. Kolka uu af Soomaali qorayase, cid ka dhaaftay garan maayee, siduu doono ayuu u qoraa. Umana arko dhibaato gef kasta oo uu geysto. Waxad midkaasi dareemaysaa kolkaad u fiirsato wargeysyada  iyo degellada af Soomaaliga ku soobaxa. Higgaadda lama daneeyo. Naxwaha hadalkiisa daa. In midhaasi jiro waxa marag u ah dhawrkan qoraal ee aan ka soo dheegay degellada hoos ku xusan:

 

I. Degelka www.hadhwanaagnews.com :

 

A. War Degdega: Dawlada Ingiriiska Oo Joojiyey Duulimaadyadii Dhinaca

Diyaaradaha Isaga Kala Gooshi Jiray Dalka Pakistan,kadib Markii……

2008-09-24                hadhwanaag

 

Halkan waa gef dhanka naqwaha ah. Loomaba haysto in af Soomaaligu leeyahay naqwe la ilaaliyo oo haddii aad si wacan u adeegsanweydo aad meel ka dhacayso.

 

Duulimaadka ma Dawladda Baagistaan baa joojisey, mise Ingiriiska ayaa joojiyey? Midda kale sidee bay dawaladda Ingiriisku u joojin kartaa duulimaadka dayaaradaha dalka Baakistaan isaga dhexgoosha?

 

Markan laba wiil oo Soomaaliyeed oo lagu wareeray ayey Hadhwanaag soo werisey ee bal ila eega:

2 Wiil oo Soomaali ah ayaa lagu wareeray Wadanka Malaysia.

2008-09-23                hadhwanaag

Waxaanu warku ahaa laba wiil oo Soomaaliya oo lagu weeraray dalka Malleesiya.

 

II. Liibaan Axmed maammulaha degelka www.afSoomaaliga.blog.com oo dareen weyn ka qaba dhibaatada dhanka higgaadda ee ay sameeyaan degella qaar baa tilmaamay warkii ugu darnaa ee ay Hadhwanaagnews soo warisay kaasi oo sheegaya 11 :

 

Guriga Madaxweynihii Hore Ee Carta Cabdiqaasim Salaad Ayaa Fadhateysi Ku Sameeyey Maanta Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Embagathi.

Mar kale isaga oo Liibaan dareemay war uu weriyey degelka la yidhaa www.widhwidh.com waxa uu tilmaamay warkan hoos ku xusan:

 

Xaalada Magaalada Muqdisho oo haatan ah mid dagan kadib Markii dagaalo maanta ay ka dhaceen.

Xaaladda magaalada Muqdisho miyey deggentahay mise way dagantahay?

 

Mar aan anigu booqday degelkaasi waxaan ka la kulmay warkan hoos ku qoran ee sheegaya:

 

Inan Yar Oo Layidhaah Twinkle Oo Kolkay Ooyayso Inadha Dhiig Ka Deynaysa {India Lucknow }5-10-08

Gabadh yar oo 13 sano jir ah taasoo magaceeda lagu sheegay Twinkle Dwivedi ayaa lagu soo waramayaa inay haysato mucjiso Rabbaani ah ka dib markii sida la sheegay gabadhani oo ooyin iyo qeylo badneyd ay mudooyinkan dambe lagu arkay illinteedii biyaha aheyd oo isku bedeshay xinjir guduudan oo dhiig ah.

III. Ramaasnews.com baan ka badbaadin gefafka quraarid la’aanta iyo u fiirsasha la’aanta naqwuhu keenaan ee bal dhegeyso warkan yaabka leh:

 

1. Shacbiga Hargeysa Oo Quustay Ka Taagan Adeeg Dabdamis Oo Looga Iibiyo Cashuurta

Ay Bixiyaan, Gurigii Guddoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Oo Caawa Dab Ku Shuf Beelay.

admin on January 03 2009 18:36:13Read More · 49 Reads ·

IV. Degelka laanta af Soomaaliga ee BBC-da oo ay lacag badani ku baxdo maammulkiisa ayaa ugu badan samaynta gefefkaasi aan soo sheegay. Liibaan Axmed baa tilmaamay inay BBC-du tahay degelka ugu daran ee afka dhibaatada ku haya. Wararka yaabka badan ee ay BBC-du qortay isaga oo wax ka sheegaya waxa uu Liibaan xusay warkan hoos ku qoran ee odhanaya12:

 

Shirka ka hortaga Cudurka shimbiraha ee Beijing

(18 Janwari, 2006, http://www. bbc. co. uk/ somali/news story/2006/01/ 060118_bird flue.shtml)

 

Waa yaabe sidee buu shir uga hortigikaraa cudurka shimbiraha? Wuxu ladhku u qormayey sidan:

Shirka ka hortagga cudurka shimbiraha ee …. Ereyga ‘hortaga’ shibbanaha ‘g’ in la labanlaabo ayey ahayd. Markanna shibbane aan u baahnayn in la labanlaabo ayey BBC-du labanlaabtay ee bal dhugo:

Baarlamaanka Lebanon oo coddeeyey” (04, Sebtembar, 2004, http://www.bbc.co.uk/ somali/news/ story /2004/09/040904_lebanon.shtml ).

 

Gefefkii wararka haddii aan intaa ku dhaafo bal aan dhanka haltebintana wax ka idhaahdo. Haltebintu waa isla doonashada ereyada iyo hawraaraha laba af oo kala goonniya. Haddii aad mid aad u taqaan ka kale ee aad wax u haltebinaysana aanad si la mid ah ka hore u aqoon gefef badan baa la galaa. Tusaale ahaan bal u fiirso sida loo haltebiyey ereyada ‘Double-click’,  ‘Right click’ iyo ‘Hard drive’13:

 

 

 

 

 

 

Kolkanna bal aan dhanka maansooyinka yar dhuganno. Runtii ma sheegikaro in aqoonla’aantu ka jirto dhanka maammulka degellada iyo inay tahay mid ka socota curiyaha laftiisa. Sidaasi darteed waxad arkaysaa iyada oo la leeyahay waxan idiin soo gubineynaa gabay uu curiyey Abwaan Hebel. Kolkaad akhridana waxaad ogaanaysaa in waxa la soo gudbiyey tahay jiifto. Sidaasi awgeed, waxan ku baraarujinayaa curiyayaasha iyo maammullada degelladuba inay arrintaasi ka feejignaadaan.

 

Warkii iigu xiisaha badnaa ee aan maqlo dabayaaqadii bishii Oktoobar 2008da wuxu ka soo yeedhay magaalada Quebec ee dalka Kanada. Waxa halkaasi shir ku lahaa madaxweynayaasha dalalka afka Faransiiska ku hadla. Go’aammadii laga soo saaray shirkana waxa ka mid ahaa ayaka oo ka dardaarwariyey tayada afka Faransiiska oo hoos u dhacday loona baahan yahay sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa. Waa yaabe haddii afkii Faransiiska ee intaas oo qarni soo qornaa laga dardarweriyey afkeennan shalay la qoray ee sokeeye iyo shisheeyaba dhankasta dubbaha lagala dhacayo in loo gurmadaa miyaanay habboonayn?

Sida afka loo badbaadinkaro:

Af kasta oo halis gala waa la badbaadin karaa. Dadka afka leh ayeyna ku xidhantahay. Haddii ay dadkaasi rabaan oo ay go’aansadaan inay afkooda badbaadiyaan way bad-baadinkaraan oo weliba si fudud bay u badbaadin karaan. Sidaasi awgeed ayey dadka Soomaaliyeed ayaguna u badbaadin karaan afkooda haddii ay doonayaan. Sida ugu fudud ee afka loo badbaadin karaana waa iyada oo la sameeyo lidka astaamihii aan kor ku soo xusnay oo dhan. Tusaale ahaan, qodobka labaad lidkiisu waa moosidda ereyada shisheeye ee afka ku soo fatahay. Sida lagaga hortigikaraana waa in marka u horreysa la joojiyaa magacyada shisheeye ee loo bixiyo dadka, rugaha ganacsi, dugsiyada, jidadka, iwm. Tallaabada labaadina waa in ereybixin iyo haltebin tayo leh la sameeyo. Tusaale ahaan, kolkii aan yaraa ee la ii bilaabay sida wax loo qoro waxa la ii bilaabay af Carabi. Casharkii u horreeyey ee lay siiyey waxa la ii sheegey in kolkasta oo aan xaashi cusub wax ku qorayo loo baahan yahay inaan dhanka midig ka jeexo diillin dheer oo la yidhaa Haamash ‘ﺶﻤﺎﻫ’. Kolkii afka Ingiriiska la ii dhigayna waxa laygu yidhi waxa dhanka bidix laga jeexaa diillin la yidhaa Maarjin ‘Margin’. Kolkii hadda kumbuyuutarrada la soo saaray waxa la yidhi labada dhinacba diillintii baa laga jeexayaa oo waxa la yidhaa ‘Right margin iyo left margin’. Oo ma waxyibaa inaan af shisheeye madiidinuun u ahaannaa? Miyeynaan helikarin ereyo aan kaga maaranno kuwaas?

 

Haddii aan dhaqankeenna ku laabanno weydiintaasi warcelinteedu waa ‘haa, oo waan ka maarmikarnaa ereyadaasi 14. Mar aan arrintaa ka hadlayeyna waxan idhi:

 

Dhanka beeraha haddii aan yar jeedaalinno, kolka beer la qodayo, marka hore waxa la jeexaa laba faag, kuwaas oo  muujinaya halka ay beerta faliddeedu ka bilaabmayso iyo halka ay ku dham-maanayso.  Waxana la kala yidhaa Faagga bidix iyo Faagga  midig. Labadaa faag inta  u  dhaxaysana  waxa la yidhaa " Booy ", waana  inta shinnida ama  abuurkaba lagu shubo ee maalintaa la doonayo in la qodo. Habkaa mid la mid ah ayaa isna kumbuyuutarka lagu adeegsadaa kolka meeris la qorayo, waxana  

loo sameeyaa wax la yidhaa "Margins". Haddaba "Faag" miyaanu u dhigmin ereyga "Margin",  faagga bidix iyo faagga midigna u kala dhigmin "Left margin "  iyo  "Right margin ".  

 

Dhanka magacyada xoolaha haddii aan yar milicsanno; Qaydo waa ri’ magaceed waxana loo bixiyaa ri’da dhexda ku leh Midab ka geddisan midabkeeda. Haddaba, isirka maga-cu waa qayd. Dulucduna waa tii qaydka la-hayd. Kolka uu ereygu falka yahay ujeeddadiisu waa astee.  

 

Jago ama beer ayaa la qaytaa. Kumbuyuutarka, haddaba, kolka  erey, hawraar  ama  qayb ka tirsan meeris la rabo in la biiyo ama  la dheego, marka hore waa la asteeyaa. Waxana la yidhaah ‘Block on’. Furaha hawshaa  qabtana waxa la yidhaah ‘Block on key’. Hadal iyo dham maantii miyeynaan ereya-danna sida  tani isugu  tebin karin :

Block on          - Qayd 

Block on key    - Qaydeen  

 

Tallaabada saddexaad waa abaabulidda olole ku saabsan faafinta iyo hirgelinta ereyada cusub iyo dib u noolaynta adeegsida ereyada tasoobay iyada oo lagu adeeganayo qalabka warbaahintu sida uu u dhanyahay. Ta afraad, dawladda oo afka u adeegsata maammulka iyo dugsiyada oo lagu dhigo; joojisana oggolaanshaha  rugaha ganacsi ee wata magacyada shisheeye. Ta shanaad, aqoonyahanka oo afkooda u soo noqda oo wax ku qora kuna dadaala horumarintiisa. Ta lixaad in lagu dadaalo badinta qoroollada ku soobaxa afka sida buugaagta, warsidayaasha, abwaanna, iwm.

 

Afafka la badbaadiyey:

 

Sidaan kor ku xusay, dadka afka dhimanaya ama halistaba ku jira leh ayaa badbaadin kara haddii ay doonayaan. Sidaasi awgeed, afaf dhawra oo dabrgo’ qarka u saarmay ayaa lays ku deyey in la badbaadiyo. Qaarkood waa badbaadiyey oo maanta si buuxda ay dadkoodu ugu hadlaan. Afafkaasi waxa ka mid ah afka yuhuudda ee loo yaqaan ‘Hebrew’.

 

Sida mahadhada lagu sugay, dadka Yuhuudda waa laga barakiciyey dhulkoodii. Waxaanay ku kala firdheen adduunka oo dhan. Dadkii waaweynaa mooyee kuwii yaryaraa way ka tageen afkoodii hooyo. Sidaasi aawadeed ayaa 1948kii kolkii dadka Yuhuudda dib loogu soo celiyey dhulka maanta loo yaqaan Israa’iil uu afki dub u fufay. Waayo wuxu yeeshay dawlad iyo dad heegan u ah badbaadintiisa. Wuxu yeeshey dugsiyo lagu dhigo oo hore loogu mariyo. Wuxu noqday af loo adeegsado qoraalka iyo qalabka warbaahinta oo idil.

 

Afafka laysku deyey in la badbaadiyo waxa ka mid ah afka loo yaqaan ‘Gaelic’ ee ay ku hadlaan dadka Ayrishku ( the Irish people) ee deggen dalka Ingiriiska. Hayeeshee sida laga warqabo, inkasta oo la dadaalay looguma guuleysan sida ka Yuhuudda loogu guuleystey.

 

Haatan iyo gabagabadii, ‘U hiisha afkeenna’ sidii aan xusay maaha afafka shisheeye qaarna jeclaada badhna naca. Hayeeshee, waa qayladhaan iyo baraarujin u socda inta af Soomaaliga ku hadasha yar iyo weynba iyo inta danaysaba. Waxaanan halkan ku caddeeyey sida uu af Soomaaligu halista ugu jiro ee uu u hayo tubtii u horseedeysey geeridiisa. Waxa kale oo aan tilmaan yar ka bixiyey tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si afka loo badbaadiyo. Waxanan rabaa inaan caddeeyo inaanan ka soo horjeedin ergisashada ereyada aynaan u helikarin wax u dhigma oo aan kaga maaranno. Waxanan hadalkayga ku soo gunaanadi maansadan hoos ku qoran oo la yidhaa ‘U hiisha afkeenna’ kana soo jeedda baddii (ama godkii) heesta maroodi maroodi. Waxaanay ka digaysa waxa dhicidoona haddii aan afka hooyo barashadiisa iyo tayayntiisaba loo dadaalin. Waxaanay maansadu tidhi 15:

 

 


Haddii afka hooyo

Hibooy laga faano

Hoheey ubadkeennu

Inuu halis daaqo

Miyaad hadda diidi?

 

Waxay tidhi heedhe

Haybtii mayaqaanka

Haddee iga raacay

Midaanan hilbaaba

Haybow la wadaagin

Halkuu garanwaayey

Inaad igu hiiftaa

Allaylehe waa huq!

 

Ayeydey Hal-toosan

Wagaan hanaqaaday

Waxay hadda sheegtay

Haddaanay Hargeysi

U hiilin afkeeda

Iney degel haawan

Hayblaawe degaayo

Hadhaw noqonayso!

 

Ayeydey Hal-toosan

Haddeer waxay leeday

Hantaataca dhaafo

Ha seegin midhkaage

Afkeenna hagaasee

Higgaaddu qalloocdo

U soo curi heeso!

 

Anaa hadhimeeyey

Hadday ku dhawaaqdo

E hooy ma qadeysey

Haddaad kula booddo

Inaad hal shisheeye

U hiilisey maandhow

Ayaan hadda sheegay!

 

Habeenka la soomo

Hiraabta ka haagoo

Haykeenin Suxuure

U hiili afkeenna.

 

Waxay hadalkeeda

 

Ku soo xidhay Haybow

Anoo barqo haysta

Aroori hareerta

Markaan u hamuumo

Ka soo hangalleysan

Inaan ‘Subax’ haybsho

Waxaa ka hagaagsan

Inaan hiddo raacoo

U hiisho afkeenna.

 

Gun buu hadal leeyee

Haddaad u malaysay

Gumeysigan heerray

Inuu ka hadaafay

Inuu habkaleeto

Hurdow egmanaayo

Haddeer ma ogaatay?

 

Wixii hal tasoobey

Haddaan hal-abuurku

Halaanhal ku sheegin

Hoyooyin ku heesin

Inuu afka hooyo

Hobaaqda la dooni

Hurdow ku dhacaayo

Ayaan hadda sheegay.

 

Halyeeyo ismoodka

Haybtii garanwaagu

Ku shuumay horteenna

Haddaan la takoorin

Haddeerna la shaarin

Inuu afka hooyo

Dalluunta hagoogan

Hurdow ku dhacaayo

Ayaan hadda sheegay.

 

Intaad hal shisheeye

Halyey isku mooddo

Inaad tahay loo hadh

Ayaan hadda sheegay.

 

Haddii la yaraysto

 

 

 

 

Midhkaan hadda leeyay

Hoheey carrigeennu

Inuu noqon loo hadh

Ayaan hadda sheegay.

 

 

 

 

 


Tixraac
  1. Dhulka u dhexeeya laba webi ee  mara dalka Ciraaq dhexmara ee loo yaqaan Dijla iyo Furaad (ama Tigris and Euphrates)ayaa la odhanjirey Mesopotamia.
  2. Crystal Davis. Half of world’s 7000 languages to become extinct by turn of century. World Resources Institute, Sept.19, 2007
  3. Dr. Maxamed Nuux Cali.  History in the Horn of Africa, 1000 B.C.—1500 A.D.: Aspects of Social and economical change between the rift Valley and the Indian Ocean, PhD. Dissertation, University of California, Los Angeles, 1985.
  4. Dr. Lyle Campell. Historical linguistics: An introduction, MIT press Cambridge, Massachusetts, 1999.
  5. & 5. Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’. Hal-bixinta ereyada kumbuyuutarka, Hal-aqoon publishers, Calgary, 2007.
  6. Anwar Maxamed. Literature of Somali Onomastics and proverbs, gobaad publication, Minnepolis, Mansota, 2006.
  7. Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’. Magac bilaash uma bax:ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed, Hal-aqoon publishers, Calgary, 2008.
  8. --------, Gorfaynta buugga la yidhaa: Literature of Somali Onomastics and proverbs, hal-aqoon, warsidaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, tirsigii VI aad,VII, iyo VIII aad, 2006-2009
  9. ------,Magac bilaash uma bax:ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed, Hal-aqoon publishers, daabacaaddii 2aad, Calgary, 2008.
  10. 10.  ---------. Hodannimada afka miyi iyo hagardaamada ay magaalo ku hayso, Buraanbur Conference, hosted by The center for bridging communities, San Diego, 2007.
  11. Liibaan Axmed, Ma tifaftire ayay u baahantahay mareegta BBCSomali.com? Hal-aqoon, tirsigii IV-V aad ee 2004-2005.
  12. Liibaan Axmed, Ma tifaftire ayay u baahantahay mareegta BBCSomali.com? Hal-aqoon, tirsigii IV-V aad ee 2004-2005.
  13. Ben Gustafson and Ali SharifAbdullahi, Basic Somali-English Computer Vocabulary, Jewish Vocational Services, Boston, 1997.
  14. Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’. Hal-bixinta ereyada kumbuyuutarka, Hal-aqoon publishers, Calgary, 2007.
  15. -----, Uhiisha afkeenna. Hal-aqoon,  tirsigii VI aad, VII&VIII aad ee 2006-2009.
  16. E. C. Foot, Galla-English, English-Galla dictionary, University Press, Cambridge, 1913.
  17. D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan, Abwaan  Urursan  Af-soomaali  iyo  Ruusha, Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969.
  18. Catherine E. Love, Italian-English, English-Italian dictionary, Collins, London, 1987.
Last Updated on Monday, 17 May 2010 23:23